Dowladda dhexe ee dalka ayaa dooneysa in suuqa Gikomba ee deegaanka Kamkunji magaalada Nairobi ay ku xirto kameerada duubto muuqaaladda qarsoon ee loo yaqaano CCTV-da, ka dib markii ay goobtaasi ay dhowr jeer gubatay.
Qandaraaslayaasha arrinkaan loo xilsaaray ayaa la faray in 7 cisho ay kusoo gabagabeeyaan in suuqaasi ay ku rakibaan kameerada CCTV.
Waxaa arrinkan looga gol leeyahay in laga hor tagga gubashada goobtaasi ganacsi oo kenyaan badan u shaqo tagaan maalin walba.
Waxaa tallaabadan shaaca ka qaaday xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Karanja Kibicho kaas oo kormeer ku tagay suuqa oo uu shalay dab qabsaday, islamarkaana ay wehlinayeen mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Kamukunji ee ismaamulka Nairobi oo ay xaafadda Islii ka tirsan tahay Yuusuf Xasan Cabdi iyo agaasimaha guud ee maamulka loo xilsaaray maareynta howlaha caasimadda dalka ee NMS Maxamad Badi.
Waxaa ay dhammaantood balanqaadeen in suuqa lagu xiri doono nalal iyo kamerada CCTV-da.