Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa tacsi u diray qoyska xildhibaanka deegaanka Ruaraka ee ismaamulka Nairobi TJ Kajwang iyo senatarka dowlad deegaanka Homa Bay Moses Kajwang.
Tani ayaa timid ka dib markii uu geeriyooday aabaha siyaasiyiintan oo lagu magacaabi jiray David Ajwang’ Nyakwamba.
Mzee Nyakwamba ayaa geeriyooday galinkii dambe ee Arbacada isagoo 89 sano jir ah.
Hogaamiyaha wadanka ayaa sheegay in David Ajwang’ oo sanado badan macallin ahaa uu kaalin wayn ka soo qaatay horumarinta tacliinta Kenya.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay inuu murugada la qaybsanaya qoyska, ehellada iyo asxaabta TJ Kajwang iyo walaalkii Moses Kajwang.