Machadka KICD oo iska fogeeyay arrin ay waalidiinta walaac ka muujiyeen

0
394

Machadka horumarinta manaahijta waxbarasho ee dalka ee KICD ayaa iska fogeeyay eedeyn ah in manhajka cusub ee waxbarashada ee loo yaqaano CBC uu culeys dhaqaale oo dhanka buugaagta ah la yimid.
Tani ayaa imaaneysa ka dib markii waalidiinta la faray in carruurtooda u soo iibiyaan qalab waxbarasho oo badan si loogu adeegsado manhajka cusub ee CBC.
Madaxa fulinta ee machadka horumarinta manaahijta waxbarasho dalka ee KICD Prof. Charles Ong’ondo ayaa sheegay in CBC aysan cayimin liis dheer oo agab waxbarasho si loo taageero manhajka cusub.
Hasa ahaate waxaa uu xusay in macallimiinta laga doonaya inay xushaan buugaagta habboon ee lagama marmaanka ah iyagoo ku saleynaya kuwa la ansaxiyay.
War-saxaafadeed uu soo saaray ayuu ku sheegay in marka la eego duruufaha dhaqaale ee dalka ka jira, ay caddaalad darro tahay in madaxda dugsiyadu dalbadaan in waalidiinta carruurtooda u soo iibiyaan dhammaan buugaagta uu soo badhigay machadka KICD.
Waxaa uu intaa ku daray in dugsiyadu ay iibsan karaan dhowr ka mid ah buugaagta, islamarkaana aysan qasab ahayn inay dhamaan buugaagta ay ardayda fasalka ku haystaan.