Madaxa guddiga aflaanta oo beeniyay in shaqada laga eryay

0
411

Madaxa fulinta ee guddiga dowladda dhexe u qaabilsan taya-dhowrka aflaanta ee (KFCB) Ezekiel Mutua ayaa beeniyay war la faafiyay oo sheegaya in shaqada laga eryay.
Waxaa uu xusay in warkaasi uu yahay been abuur sidaas awgeedna uu bulshada u xaqiijinaya inuu weli guddigan hoggaamiyo.
Qoraalka uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ayaa yimid ka dib markii ay soo baxeen warar tilmaamaya inuu xafiiskiisa si aan habbooneyn u adeegsaday sidaas awgeedna shaqo joojin lagu sameeyay.
Dr. Ezekiel Mutua ayaa si gaar ah ugu jawaabayay senatarka ismaamulka Makueni Mutula Kilonzo Junior oo soo qoray in wasiirka warfaafinta Joe Mucheru uu qaaday tallaabo ka dhan ah Mutua.