16 qof oo ku dhintay dhul go’ saameeyay Georgia

0
378

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada ugu yaraan 16 ruux halka dhowr kalena la la’yahay ka dib dhul go’ laga soo tabiyay magaalo xeebeed ku taalla Waqooyiga Galbeed ee wadanka Georgia.
Dhibaatadan ayaa ka dhacday magaalada Shovi oo ilaa 140 kiilomitir u jirta caasimadda Georgia ee Tbilisi.
Teimuraz Mghebrishvili oo ka mid ah howlwadeennada wasaaradda arrimaha gudaha ee wadankaasi ayaa sheegay in hadda ay socdaan hab-raacyo lagu aqoonsanaya meydadka la soo saaray.
In ka badan 200 oo qof ayaa laga soo samatabixiyay halka uu ka dhacay dhul go’a.
Waxaa dalkaasi ku badan daadadka iyo dhul go’yada ka dhasha roobabka culus.
Sanadkii 2008-dii ayay ahayd markii 6 qof ay ku dhinteen dhul go’ saameeyay gobolka Koonfureed ee Adjara.