16 qof oo ku dhintay dhisme ku dumay Syria

0
314

Waxaa sare u sii kacay khasaaraha nafeed ee ka dhashay dhismihii habeenkii Sabtida ku dumay magaalada Aleppo ee dalka Syria.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay inay dhinteen 16 ruux.
Dhanka kale waxaa dhacdadaasi ku dhaawacmay afar qof.
Warbaahinta maxalliga ee wadankaasi ayaa tabinaysa in dadka dhintay uu canug ka mid yahay.
Dhismahan oo ka kooban shan dabaq ayaa ku dumay xaafadda Sheikh Maksoud.