Qoysas ka qaxay magaalada Kabul

0
608

Wararka naga soo gaaraya caasimadda dalka Afghanistan ee Kabul ayaa sheegaya in halkaasi ay ka qaxeen qoysas dhowr ah.
Barakaca ayaa waxaa sababay isku dhacyada u dhexeya ciidamada dowladda Afghanistan iyo kooxda Taalibaan ee ka soo horjeedda.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Kabul lagu dilay ugu yaraan 8 qof.
24-kii saacadood ee ugu dambeeyay waxaa magaaladaasi ka socdo weerarro dhowr ah oo uu ka mid yahay mid galinkii hore ee maanta loo adeegsaday bambo oo ay mas’uuliyadiisu sheegatay Taalibaan.
Dagaallada ayaa sare u sii kacay kadib markii gaashaanbuurta NATO iyo Maraykanka ay billaabeen inay ciidamadooda kala baxaan gudaha Afghanistan ka dib muddo 20 sano ah.
Ka bixitaanka ciidamada shisheeye ee dalkaasi ayaa ku eg dhammaadka bishan sideedaad.
Kooxda Taalibaan ayaa dhankeeda ku dadaalaysa sidii ay ula wareegi lahayd gacan ku haynta magaalooyinka ugu wayn ee gobollada maadaama ay billooyinkii ugu dambeeyay ay qabsadeen degmooyin dhowr ah.