DHAGEYSO:Guddiga doorashooyinka Soomaaliya oo baaq degdeg ah soo saaray

0
493

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa soo dhaweeyay natiijada doorashadii Aqalka Sare ee shalay ka dhacday magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG Maamul-Goboleedka Soomaaliyeed Koonfur Galbeed.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu amaanay dhammaan dhinacyadii gacanta ka geystay qabsoomidda doorashadaas.
Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, Maxamed Xasan Cirro, ayaa ku ammaanay Maamul-goboleedka Jubbaland oo hormuud ka noqday bilaabida doorashooyinka dalka, isla markaana wakhtigeeda ku bilowday, sidoo kale Maamulk goboleedka Koonfur Galbeed inay tusaale wanaagsan u noqdeen Maamul-goboleedyada kale, ka dib markii ay soo doorteen laba (2) senator oo haween ah,oo ka qeyb noqonaya Aqalka Sare, taasoo ka dhigeysa in haweenku ka yihiin 40% senatorrada la doortay.
Ugu dambeyntii, Guddigu wuxuu ugu baaqayaa Maamul-goboleedyada kale inay iyaguna billaabaan doorashada Aqalka Sare si loo xaqiijiyo in doorashooyinka labada aqal ay ku dhacaan waqtigii loo qorsheeyay.
Dhanka kale Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Bogaadiyay Doorashadii shalay ka dhacday Magaalada Baydhaba wuxuuna si gaar ah Maamulka Koonfur Galbeed ugu amaanay inay soo saareen Gabdhihii ugu horeeyay ee aqalka Sare ka Mid noqonaya.
Ra’isul wasaare Maxamad Xuseen Rooble ayaa sidoo kale wuxuu Kulan deg deg ah isugu Yeeray Gudiga Doorashooyinka Gobolada Waqooyi oo ka Kooban 11 Xubnood si uu ugala hadlo arimaha Doorashooyinka kadib Markiii uu Kulan la qaatay Gudoomiyaha aqalka Sare iyo Ra’isulwasaare ku xigeenka Soomaaliya.
Afhayeenka Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Maxamad Ibraahim Macalimow ayaa Warbaahinta faahfaahin ka siiyay areimahaas.

Dhanka kale Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta kana mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ku matala Gobolada Waqooyi Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay inaysan wax natiijo ah lagu gaarin kulamadii Ra’iisul Wasaare Rooble, Mahdi Guuleed & Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi.
Wasiir Maareeye oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ku eedeeyay Ra’iisul Wasaare Rooble in halkii laga rabay inuu dhexdhexaadiyo labada garab uu la yimid inuu doonayo in lagu wareejiyo talada iyo maamulka Doorashada 57 kursi oo ay leeyihiin Gobollada Waqooyi sida uu hadalkiisa u dhigay.