Maraykanka oo qaabilaya qaxootiga Afghanistan

0
551

Waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay qaabili doonto qaxootiga dalka Afghanistan.
Kumanaan qaxooti dheeraad ah ayaa dib u dejin ka helaya Maraykanka.
Go’aankan ayaa loo aaneeyay rabshadaha sii kordhaya iyadoo Maraykanka uu dhammaadka bishan ciidamadiisa kala baxaya gudaha wadanka Afghanistan oo ay ku sugnaayeen 20 sano.