Madaxweynaha Afghanistan oo baarlamaanka u gudbiyay qorsho amni

0
408

Madaxweynaha dalka Afghanistan Ashraf Ghani ayaa golaha xeer dejinta ee wadankaasi ku wareejiyay qorsho ku saabsan amniga.
Waxaa uu sheegay in qorshahan looga gol -leeyahay in looga falceliyo weerarrada kooxda Taalibaan ee sare u kacay.
Hasa ahaate faahfaahin dhameystiran lagama bixin xogta uu Ghani la wadaagay baarlamaanka.
Madaxweyne Ghani ayaa dhanka kale bixitaanka ciidamada Maraykanka ee Afghanistan ku sheegay mid aan la filan isagoo u aaneeyay xaaladda amni ee sii xumaanaysa.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo militariga Afghanistan uu sheegayo in saddex gobol oo ku yaalla galbeedka iyo Koonfurta ay ka jirto xaalad amni darro.