Maxkamadda ciiidamada qalabka sida ee Soomaaliya qaybta Galmudug ayaa maanta u fadhiisatay gar-maqalka dacwad ciqaabeed dil ah oo uu ku eedeeysnaa dable Booliis MaxamAd Baryare Daahir oo ka tirsan Ciidanka booliiska degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan kuna eedeeysan dil Matabaan loogu geystay 30-kii bishii Afaraad ee sanadkan marxuum lagu magacaabi jiray ex dable Booliis sharmaake Cilmi Maxamuud.
Daahfurka fadhiga maxkamadda ayuu guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Galmudug Gaashaanle Dhexe Cabdulaahi Abuukar Xasan waydiiyey eedeysanaha jawaabtiisa la xiriirta eeda Xafiiska xeer ilaalinta maxkamadda Ciidamada.
Eedeysane oo ka jawaabayay waydiinta maxkamadda ayaa sharraxay sida uu gacantiisa ugu baxey marxuumka geeriyoodey.
Xeer ilaaliaha maxakamada Ciidamada Qalabka sida ee qaybta Galmudug G/sare Cabdulaahi Maxamed Muuse Keyse ayaa isna maxkamadda ka hor aqriyay eedeeymaha loo heysto dable Booliis Maxamed Baryare Daahir, isagoo dalbadey in la mariyo ciqaab u dhiganta dambiga lagu soo eedeeyay.
Abuukaate Xalane oo dhankiisa duray habka dacwad oogista xafiiska xeer ilaalinta ayaa maxkamadda ka dalbadey in iyadoo la tixgalinayo qiraalka eedeeysanaha iyo qaabka uu u dhacay dilka uu geystay loo fududeeyo ciqaabta.
Gunaanadka garmaqalka ayaa guddoomiyaha maxamadda ciidamada qalabka sida ee qeybta Galmudug G/dhaxe Cabdulaahi Abuukar Xasan oo xiray fadhigan maxkamadda, isagoo ku dhawaaqey go’aanka gungaarka dacwada.