Waxaa hadda ka socotaa magaalada Baydhabo doorashada Aqalka Sare halkaas oo ay ku tartamayaan musharraxiin 10 ah.
Samsam Ibraahim Cali ayaa maanta ku guuleysatay doorashada Aqalka Sare ee Koonfur Galbeed, waxay heshay 81-cod.
Waxaa ay horey uga tirsaneyd Aqalka sare ee barlamaanka federaalka ee Soomaaliya.
Shantan kursi ee loo tartamaya ayaa ka qeyb ka ah 8 kursi ee Koonfur Galbeed ku leedahay Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya.
Shalay ayay ahayd markii madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Laftagareen ayaa shaley soo gudbiyay qaar kamid ah liiska musharraxiinta u tartameysa doorashada Aqalka Sare.
Home Wararka Soomaaliya Haweeneydi ugu horreysay ee kusoo baxday doorashada aqalka sare ee Koonfur Galbeed