Ku dhawaad 400 oo muhaajiriin ah oo laga soo badbaadiyay badda Mediterranean

0
351

Tahriibayaal ay tiradoodu tahay ku dhawaad 400 oo qof ayaa lagu soo warramayaa in laga soo badbaadiyay badda Mediterranean.
Labo markab oo ah kuwa gargaarka ayaa soo samata bixiyay 394 ruux oo saarnaa dooni la buux dhaafiyay.
Howlgalka lagu soo badbaadiyay dadkan ayaa qaatay ilaa 6 saacadood.
Hay’adda socdaalka adduunka ee IOM ayaa laga soo xigtay in sanadkan in ka badan 1,100 qof oo ka cararay dagaallada iyo nolosha saboolnimo ee Afrika iyo bariga dhexe ay ku dhinteen badda Mediterranean-ka xilli ay doonayeen inay u gudbaan wadamada qaaradda Yurub.