154 qof oo ilaa iyo hadda macluul ugu dhintay Qaza

0
372

Tirada shacabka ee ilaa iyo hadda Qaza ugu geeriyooday gaajada iyo nafaqo darrada ayaa gaartay 154 qof.
Tani ayaa timid ka dib markii isbitaallada Qaza ay diiwaangeliyeen 7 dhimasho oo dheeraad ah.
Ilo wareedyo caafimaad ayaa warbaahinta caalamiga ee Aljazeera u sheegay in tan iyo waabarigii maanta ay Israa’iil dishay ugu yaraan 21 Falastiiniyiin ah.
Waxaa dadkan ka mid ah dhowr qof oo sugayay in loo fidiyo gargaar baniaaannimo.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii , waxaa duullaanka militari ee Israa’iil ee Qaza lagu dilay in ka badan 60,034 qof halka la dhaawacay 145,870 kale.