150 qof oo ku dhintay daadad saameeyay Libya

0
313

Ugu yaraan 150 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen bariga dalka Liibiya ka dib daadad ka dhashay roobab culus oo halkaasi ka da’ay.
Waxaa saameynta qayb ka ah in duufaanta Daniel ay ku dhufatay Mediterranean-ka.
Waxaa degmada Derna oo masaafo dhan 900 oo kiilomitir dhanka bari uga beegan caasimadda Liibiya ee Tripoli la geeyay kooxaha samatabixinta.