15 qof oo loo xiray wax isdaba -marinta imtixaannada KCSE-da

0
655

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa shaaciyay in shalay gacanta lagu dhigay 15 qof oo lagu eedeyay in ay ardayda ka caawiyeen khiyaanada la xiriirta imtixaanka qaran ee KCSE-da.
Dadka la qabtay waxaa ka mid ah arday jaamacad dhigta oo ka soo jeedo ismaamulka Busia iyo ganacsade ku sugnaa dowlad deegaanka Kericho.
Labadan qof ayaa gacanta lagu dhigay xilli ay siteen warqadaha imtixaanka oo faalis ah.
Wasiirka tacliinta ee Kenya Prof. Magoha ayaa sidoo kale sheegay in xabsiga loo taxaabat 8 arday ah oo lagu helay taleefoonada gacanta oo ay ku dhex haysteen gudaha xarun imtixaan.
Magoha ayaa waalidiinta uga digay in aynan khiyaamin shakhsiyaad iibinaya warqadaha been abuurka ah.
Waxaa uu ku boorriyay in ay carruurtooda si buuxda u taageeraan xilligan ay sameynayaan imtixaanka shahaaddiga ee fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee dalka.