15 qof oo loo xiray inay shacabka laaluush ka qaadanayeen si ay ugu soo saaraan baasaboorro

0
278

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay 15 qof oo isugu jiro 6 ka mid ah saraakiisha waaxda socdaalka ee dalka iyo 9 mukhallisiin ah.
Shakhsiyaadkan ayaa ku eedeysan inay lacago laaluush ah ka qaateen muwaadiniin iyo ajaaniib u baahan baasaboorka iyo oggolaanshaha shaqo.
Bayaanka DCI-da waxaa ku cad in qaar ka mid ah saraakiisha socdaalka ee dalka ay la heshiiyeen mukhallisiinta si ay uga howlgalaan agagaarka xarunta dhexe ee daarta Nyayo House ee magaalada Nairobi ka dibna ay ugu soo xiraan dadka codsanaya dokumeentiyadan muhiimka ah iyagoo laaluush uga soo qaadaya.
Waxay waaxdu sheegtay inay hayso caddeymo ku aaddan lacago loo soo diray saraakiisha la qabtay iyo dad la shaqeeya taasi oo maxkamadda loo soo bandhigi doono marka dacwado lagu soo oogaya eedeysanayaasha.
Waaxda dambi baarista dalka ayaa intaasi ku dartay in lagu raadjoogo eedeysanayaal kale oo goobta ka baxsaday ka dib markii ay howlgalkan ka war heleen sidaasi awgeedna mar dhow gacanta lagu soo dhigi doono.
Shakhsiyaadka la qabtay ayaa lagu kala magacaabaa Nicodemus Muide, Aloise Gitonga Kiura, Stephen Makokha oo ka shaqeeya waaxda socdaalka , gabadh ardayad ah oo halkaasi u joogtay inay kororsato khibrad shaqo oo lagu magacaabo Esther Ogega Nyambura iyo mukhallis magaciisu lagu sheegay Maxamuud Khaliif Macallin.
Howlgal kale oo ay sameeyeen saraakiisha dambi baarista dalka ayaa lagu soo xiray Joseph Ireri Karani oo ka mid ah shaqaalaha waaxda socdaalka ee dalka iyo siddeed dallaallin ah oo magacyadoodu lagu kala sheegay Cabdullahi Cabdiraxmaan Cali, Bashir Oore Ibrahim, Damaris Kwamboka Bosire, Charles Mucheru Mwangi, George Karancha Obare, Domiciano Makori Oketch, Isaac Mbulo iyo Luke Lang’at.
Tani ayaa ku soo beegmaysa ka dib amarkii uu bixiyay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ee ahaa in la sifeeyo musuqmaasuqa ka jiro waaxda socdaalka ee dalka.
25-kii bishii Siddeedaad ee sanadkan ayay ahayd markii la xiray afar eedeysanayaal oo kale oo loo haysto inay laaluush ku qaateen fududeynta bixinta baasaboorka dalka.

https://x.com/DCI_Kenya/status/1709990900166754499?s=20