147 qof oo ilaa iyo hadda gaajo ugu dhimatay Qaza

0
413

Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa sheegtay in ugu yaraan 14 ruux oo Falastiiniyiin ah ay u dhinteen gaajo iyo nafaqo darro.
Waxaa dadkan ka mid ah labo carruur.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu sheegaya in ay jiraan astaamo muujinaya in gaajo dhab ah ay ka jirto marinka Qaza.
Laga soo billaabo bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii , waxaa gudaha Qaza macluul ugu geeriyooday 147 ruux oo ay 88 ka mid ah yihiin carruur.
Tiradan sii kordhaysa ayaa loo aaneynaya xayiraadaha culus ee ay Israa’iil tan iyo bishii Saddexaad saartay in gargaar baniaadannimo la geeyo Qaza.