Waxaa la soo afjaray isticmaalka 1,448 oo ah nambarrada loo yaqaano Paybill-ka ee ay lacagaha ku bixin jireen shacabka loo fidinaya adeegyada dowladda.
Tani ayaa timid ka dib wareegtadii ka soo baxday xafiiska madaxweynaha dalka William Ruto ee dhammaan wasaaradaha dowladda dhexe, waaxyaha hoos tago iyo hay’adaha dowliga ah lagu amray in qarashaadka dadweynaha laga qaado lagu bixiyo keliya nambarka ah 222222.
Waxaa loo qabtay in ugu dambeyn maanta ay sidan sameeyaan.
Sidoo kale waxaa la doonaya in maanta la gudbiyo warbixin ku saabsan sida wasaaradaha iyo waaxyaha dowladda ay ugu hoggaansameen amarkan.
Kenyaanka ayaa horay qarashaadka ku bixin jiray nambarro kala duwan.
Xoghayaha joogtada ah ee waaxda socdaalka iyo adeegyada shacabka Julius Bitok ayaa bayaan ku sheegay in wasaaradaha aynan ka dib dhici karin muddada kama dambeyska ah ee loo qabtay.
30-kii bishii Lixaad ee sanadkan ayay ahayd markii madaxweynaha dalka William Ruto uu shaaca ka qaaday nidaam casri ah oo la xiriira bixinta lacagaha adeegyada iyo hannaanka dhijitaalka ee E-citizen oo hadda lagu keydiyay ilaa 5,000 oo ah adeegyada dowladda.