142 tuhmane oo kale oo maxkamad la soo taagay iyagoo lala xiriirinaayo mudaharadyadii 25-kii June

0
472

Iyadoo ay weli socdaan baaritaanada mudaaharaadyada 25-kii June ka dhacay dalka ayaa maanta waxaa maxkamadda la soo taagay 142 tuhmane iyagoo lala xiriirinaayo qalalasihii ka dhacay waddanka intii ay socdeen dibadbaxyadda.
Waaxda dambi baarista ee (DCI) ayaa sheegtay in 85 tuhmane la horkeenay Maxkamadaha Sharciga ee Thika iyadhoo 56 ka mid ah eedeeysanayaasha lagu hayay Saldhigga Booliiska Juja halka 29 kalane lagu xiray Saldhigga Booliiska ee Thika.
Sidoo kale, 32 tuhmane ayaa la soo taagay maxkamadaha Murang’a, 15 tuhmane ee magaalada Ol Kalou, 10 la soo taagay Kisii, iyo 9 ka soo hor muuqday maxkamadda sharciga ee Bungoma.
Arrintan ayaa timid iyadoo booliiska deegaanka Ruiru ee ismaamulka Kiambu ay soo celiyeen alaabo kala duwan oo la rumeysan yahay in laga dhacay suuqa casiga ee Quickmart Supermarket intii ay socdeen mudaaharaadyada.
Mid ka mid ah tuhmanayaasha oo lagu magacaabo Geoffrey Mbugua, oo lagu eedeeyay in uu kaydiyay alaabta la xaday, ayaa la xiray, waxaana la filayaa in maxkamad la soo taago.
Badeecooyinka ayaa laga helay goobo uu leeyahay Mbugua, oo ka mid ah 154 tuhmane oo loo xiray bililiqadii dhawaan dhacday. Waxaa kaloo lagu helay 42 litir oo maadada ethanol ah iyo sigaar sharci darro ah.
Booliiska ayaa sheegay in baaritaanda ay weli socdaan iyadoo weli lagu raad joogo dad kale oo la tuhunsan yahay, oo ay ku jiraan kuwa lagu soo eedeeyay inay hub ka xadeen Saldhigga Booliiska Dagoretti.