14 qof oo ku dhintay daadadka Waqooyi Bari

0
275

Tirada dhimashada ka dhalatay daadadka saameeyay ismaamullada gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa gaartay 14 ruux.
Isku duwaha ammaanka ee dowladda dhexe ku matalo gobolka, John Otieno ayaa arrinkan shaaca ka qaaday xilli uu kormeerayay waddada u dhexeysa Garissa iyo Madoogaashe.
Waxaa uu sheegay in saameynta ugu badan ay soo gaartay ismaamulka Mandera oo ay ku dhinteen toddobo ruux.
Dhanka Wajeer dhimashada waa shan qof halka Garissa ay tahay 2.
Isku duwaha ayaa tirada dadka ku barakacay fatahaadda ku sheegay 30,000 oo qof.
Waxaa uu dadweynaha iyo gaadiidleyda ugu baaqay inay taxaddar dheeraad ah muujiyaan marka ay gudbayaan meelaha ay biyaha ku badan yihiin.
Digniintan mid la mid ah waxaa soo saartay Hay’adda Laanqayrta Cas ee Kenya.
Saameynta ugu badan ee fatahaadda ayaa laga dareemaya deegaannada Ceelwaaq iyo Buna oo ka kala tirsan Koonfurta Mandera iyo Waqooyiga Wajeer.
Isku duwaha ammaanka ee gobolka Waqooyi Bari John Otieno ayaa xusay in ay adag tahay in dadweynaha gurmad la gaarsiiyo iyadoo waddooyinka la maraya sidaasi awgeedna la isticmaalaya diyaarado.