In ka badan 14 qof oo ku dhimatay toogasho ka dhacday goob lagu caweeyo oo ku taalla Koonfur Afrika

0
481

Waxaa lagu soo warramayaa in 15 qof ay ku dhinteen toogasho laga gaystay baar lagu caweeyo oo ku yaalla deegaanka Soweto ee duleedka magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.
Toogashada ayaa waxaa ku dhaawacmay 11 qof oo kale, iyadoo laba ka mid ah ay dhaawacyadii soo gaaray u geeriyoodeen.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in saddex ka mid ah dadka dhaawacmay ay xaaladooda aad u liidata.
Booliska ayaa laga soo xigtay in ay heleen warar sheegaya in koox rag ah ay ku yimaadeen gaari yar oo taksi ah ka dibna ay rasaas ku fureen dadkii ku sugnaa baarka xilli dambe ee xalay.
Waxaa ay intaasi ku dareen in saaka goobta weerarka laga gaystay ay ka qaadeen meydad hor leh, islamarkaana ay haatan ciidamada ammaanka wadaan baaritaanno la xiriira waxa sababay in la is rasaaseeyo.
Dhanka kale, afar qof oo kale ayaa lagu dilay israsaasayn ka dhacday baar ku yaalla magaalada Pietermaritzburg ee bariga wadanka Koonfur Afrika.
Waxaana weerarkan ku dhaawacmay 8 qof oo kale.
Afhayeen boolis ah oo lagu magacaabo Nqobile Gwala ayaa laga soo xigtay in toogashadan ay dhacday abaare 8:30 fiidnimo ee xalay ee saacadda maxalliga ee wadankaasi.
Weerarradan ayaa ku soo aadeysa iyadoo labo toddobaad ka hor 21 qof meydadkooda laga helay goob lagu caweeyo oo ku taalla magaalada East London ee koonfurta dalka Koonfur Afrika.