14 qof oo ku dhimatay diyaarad ku burburtay Nepal

0
479

Shaqaalaha gurmadka ee dalka Nepal ayaa helay meydadka 14 qof oo saarnaa diyaarad yar oo shalay la waayay islamarkaana burburtay.
Deo Chandra Lal, oo ah afhayeenka hay’adda duulista rayidka ee Nepal, ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay maanta, in baadigoobka dadka kale uu wali socdo.
Diyaaradda ayaa waxaa saarnaa 22 qof oo isugu jiray 19 rakaab ah iyo saddex shaqaale gudaha dalka Nepal.
19-ka qof ee rakaabka waxaa ku jiro 6 ajaaniib oo 4 ay ka soo jeedaan India iyo 2 u dhashay Jarmalka.
Diyaaraddan oo ay leedahay shirkadda duulimaadka ee Tara Airlines ayaa ku wajahnayd magaalada buuralayda ee Jomsom.
Waxaa ay ka soo ambabaxday Pokhara oo masaafo dhan 200 oo kiiloomitir dhanka bari kaga beegan caasimadda dalka Nepal ee Kathmandu..
Wararka ayaa intaasi ku daraya in diyaaradda la waayay wax yar un ka dib markii ay soo duushay, cimillada oo aan wanaagsanayn awgeed.