14 ka mid ah shaqaalaha wasaaradda amniga oo laga afduubtay Mexico

0
313

Waxaa lagu soo warramayaa in koox hubeysan ay afduubatay 14 qof oo ka mid ah shaqaalaha wasaaradda amniga ee dalka Mexico.
Dadka la kaxeystay ayaa dhammaantood rag ah waxayna ka howlgalayeen saldhig booliis.
Dadkan ayaa laga afduubtay gobolka Koonfureed ee Chiapas ee wadanka Mexico.
Laamaha ammaanka ee dalkaasi ayaa hadda ku daba jiro kooxda afduubka gaysatay si la haystayaasha loo soo badbaadiyo.