14 baabuur oo gargaar sido oo gudbay waqooyiga Syria

0
263

Hay’adda caalamiga ee socdaalka ee (IOM) ayaa sheegtay in maanta 14 baabuur oo ah kuwa xamuulka oo sido gargaar baniaadannimo ay gudbeen xadka waqooyiga Syria.
Gargaarkan ayaa laga keenay dalka Turkiga.
Waxyaabaha ay gawaaridan sidaan ayaa waxaa ka mid ah agabka elektorooniga ee wax lagu kululeeyo maadaama uu qabow daran jiro , heemado ama teendhooyin , bustooyin iyo waxyaabo kale.
Waxaa loogu talagalay dadka ku barakacay musiibada dhulgariirka sida uu sheegay afhayeenka IOM Paul Dillon.