13 qof oo ku dhaawacmay shil ka dhacay Mombasa

0
427

13 qof ayaa lagu daaweynaya isbitaalka guud ee Gobolka xeebta dalka gaar ahaana Mombasa ka dib markii ay galeen shil uu ku lug lahaa baska Shirkadda Tahmeed.
Dadka dhaawaacamay ayaa intooda badan waxaa ay saarnaayeen gaari mataatuu ah oo baska ku dhacay.
Guddoomiyaha guddiga maamulka gaadiidka iyo badqabka wadooyiinka qaranka ee NTSA Khatib Mwashetani ayaa sheegay in baska Tahmeed lagala laabanyo shatiga ama leesinka uu ku shaqaynayay ka dib markii lagu eedeeyay in uu lumiyay xakameynta.
Waxaa uu sdio kale digniin u diray gawaarida jabiya sharciga waddooyiinka ee dalka.