Waxaa weerarrada ay Israa’iil ka wado Qaza 24-kii saacadood ee la soo dhaafay lagu dilay 125 ruux oo Falastiiniyiin ah.
Waxaa sidoo kale duqeymaha ku dhaawacmay 265 qof oo dheeraad ah.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore , ugu yaraan 23,968 ruux ayaa ku dhintay howlgallada militari ee ka socdo Qaza.
In ka badan 60,582 ruux oo kale ayaa ku dhaawacmay duullaanka Israa’iil ee Qaza.