12 wariyeyaal ah oo lagu dilay UKraine

0
585

Dacwad oogaha guud ee dalka Ukraine ayaa sheegtay in duullaanka militari ee uu Ruushku ku qaaday wadankaasi 24-kii bishii hore ay ku dhinteen 12 suxufiyiin ah.
Iryna Venediktova ayaa xustay in sidoo kale ay dagaalka ku dhaawacmeen ugu yaraan 10 wariyeyaal ah.
Hasa ahaate faahfaahin dheeraad ah kama aysan bixin xilliga iyo goobaha rasmiga ee lagu dilay warfidiyeennada.
Waxay intaasi ku dartay in suxufiyiinta looga takhalusay howlgallada militari ee Ruushka ee gudaha Ukraine ay ka mid yihiin kuwo u dhashay Maraykanka, Ireland iyo xita Ruushka.
Dhaawaca waxaa ka mid ah kuwo dhalasho ahaan ka soo jeedo Ingiriiska, Maraykanka ,Czech Repulic, Denmark, Switzerland iyo dalka isu tagga imaaraadka carabta ee UAE-da.