12 askari oo booliis ah ayaa hadda baaritaano ku socdaan kadib markii shalay ay maxkamadda Siaya ay ka baxsadeen 6 maxbuus.
Eedeysanayaasha oo kala ah Fredrick Wafula, John Ngote, Farid Kimtai, John Okumu, Albert Otieno iyo Kevin Otieno ayaa ka soo hor muuqday maxkamada iyaga oo ku eedaysan falal dhac ah.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa u suurtagashay inay ka baxsadaan askarta xilligii dib loogu celinaayay xabsiga.
Taliyaha booliiska ee ismaamulka Siaya, Serah Koki, ayaa xaqiijisay in dhammaan 12-kii askari ee shaqada ku jiray xilliga uu falka dhacayay su’aalo la weydiinayo.
Sidoo kale waxaa ay sheegtay in raggii baxsaday aan wali gacanta lagu soo dhigin balse ay wadaan dadaalo lagu baadigoobaayo.