12 qof oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Kwale

0
158

Ugu yaraan laba iyo toban qof ayaa laga cabsi qabaa inay dhinteen ka dib markii diyaarad yar oo siday dalxiisayaal ay ku burburtay aagga Tsimba Golini ee ismaamulka Kwale.
Sida laga soo xigtay Hay’adda Duulista Rayidka ee Kenya (KCAA), saraakiisha ammaanka ayaa goobta ku suggan si ay u ogadaan sababta ka dambeysay shilka.
Diyaaradda ay maamusho Waaxda Adeegyada Hawada ee Mombasa ayaa ka kacday garoonka diyaaradaha ee Diani waxaa ayna ku sii jeeday Kichwa Tembo markii ay burburtay.
Diyaaraddan oo taarikadheedu tahay 5Y-CCA ayaa ka shaqeysaa inta u dhaxaysa Mombasa iyo meelaha kale ee dalxiiska ee dalka.
Shilalka noocan oo kale ah ayaa ku badan aagga oo la rumeysan yahay inay sababaan buuraha.