12 qof oo ku dhaawacmay shil ka dhacay Machakos

0
261

Waxaa la xaqiijiyay in 12 ruux ay dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen shil laga soo tabiyay waddada u dhexeysa ismaamullada Machakos iyo Kitui.
Dadkan ayaa isugu jiro toban rag iyo 2 haween ah.
Taliyaha booliiska ee deegaanka Mwala ,Nancy Jerobon ayaa sheegtay in shilka uu abaare 5:45 aroornimo ee maanta uu ka dhacay aagga Makutano .
Shilka ayaa u dhexeeyay baabuur xamuul qaada , mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha ee mataatuuda iyo mooto.
Nancy Jerobon ayaa magacyada darawaliinta kaxeynayay labada baabuur ku kala sheegtay Andrew Kitaa iyo Joshua Munyau.
Waxay intaasi ku dartay in labada gaari uu soo gaaray burbur culus iyadoo warbixin dhacdadan ku aaddan loo gudbiyay saldhigga booliiska ee Masii .
Sidoo kale waxay warbaahinta u sheegtay in dhaawacyada ay isugu jiraan kuwo dhanka madaxa , lugaha, dhabarka iyo qaybaha kale ee jirka ah.
Dadka shilkaasi ku dhaawacmay ayaa lagu daaweynaya isbitaalka heerka 3-aad ee Masii halka darawalkii kaxeynayay baabuurka xamuulka la geeyay isbitaalka wayn ee Machakos si halkaasi uu uga helo daryeel caafimaad oo gaar ah waxayna xustay in xaaladiisa ay hadda wanaagsan tahay.
Jerobon ayaa laga soo xigtay in gaadiidka shilka galay loo jiiday saldhigga booliiska ee Masii si baaritaano dheeraad ah loo sameeyo.
Ciidamada booliiska ee ismaamulka Machakos ayaa wado baaritaano ay doonayaan in lagu xaqiijiyo qaabkii uu shilka u dhacay iyo sababtii keentay.