12 meydad dheeraad ah oo laga soo saaray Shakahola

0
267

Waxaa xabaal wadareedyada keynta Shakahola ee ismaamulka Kilifi shalay laga soo saaray meydad dheeraad oo gaaraya 12.
Tani ayaa tirada guud ee meydadka ilaa iyo hadda la helay ka dhigaysa 403.
Laamaha ammaanka ee baaritaanada sameynaya ayaa ku guda jiro wajigii afaraad ee soo saaridda meydadka.
Dadkan ayaa la rumeysan yahay inay taabacsanayeen baadariga kaniisadda Good News International,Paul Mackenzie oo kula taliyay inay cuntada iyo biyaha ka afxirtaan ilaa iyo inta sida uu u sheegay ay kala kulmayaan nabi ciise halkaasi oo ay in badan oo ka mid ah ku geeriyoodeen.
Isku duwaha ammaanka ee gobolka Xeebta ,Rhoda Onyancha ayaa sheegtay in la soo badbaadiyay 95 qof halka la qaaday dhacaanka hidde sidaha DNA oo gaaraya 258 .
Sidoo kale ma jiraan dad dheeraad ah oo dhacdooyinkan loo xiray waxayna weli tirada eedeysanayaasha la qabtay ay tahay 37.
Howlaha raadinta meydadka ee Shakahola ayaa berri oo Talaado ah sii socon doono.