Waxaa lagu soo warramayaa in 12 carruur ah la daadgureeyay ka dib markii uu dab ka kacay dugsiga ay dhigtaan ardayda naafada ah ee Jomo Kenyatta ee ismaamulka Embu.
Waxaa halkaasi ku burburtay hanti qiimaheedu lagu qiyaasay malaayiin shilin.
Warbixinnada horudhaca ah ayaa tilmaamaya in dabka uu saameeyay qayb ay ardayda seexdaan iyo goobta cunnada lagu kariyo ee xaruntaasi.
Dugsigan oo la dhisay sanadkii 1965 ayaa ku yaalla deegaanka hoose ee Kirimari ee deegaan baarlamaneedka Manyatta ee ismaamulka Embu.