11 qof oo xogsato ah oo lagu dilay qarax ka dhacay dalka Pakistan

0
246

Ugu yaraan 11 qof oo xoogsato ah ayaa lagu dilay weerar ka dhacay gobolka waqooyi galbeed ee dalka Pakistan, ka dib markii lala eegtay qarax nooca miinada dhulka lagu aaso ee (IED)
Weerarka oo ka dhacay dooxada Shawal ee Waqooyiga Waziristan, oo koonfur galbeed kaga beegan caasimadda wadanka Pakistan ee Islamabad.
Waxaa weerarkan bartiisa rasmiga Twitter ku xaqiijiyay ra’iisal wasaaraha ku meel gaarka ah ee dalka Pakistan Anwaar-ul-Haq Kakar
Dadka ku dhintay qaraxan ayaa ku sii jeeday mashruuc dhisme oo ka socday degmada Waziristan, oo u dhow xuduudka wadanka Afghanistan.
Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.