Waxaa gacanta lagu dhigay 11 qof oo saddex ka mid ah ay yihiin shaqaalaha maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhinaca waddooyinka ee (NTSA).
Waxaa dadkan xiray saraakiisha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ka dib markii la sameeyay baaritaano ku aaddan diiwaangelinta baabuurta oo aan sax ahayn.
DCI ayaa sheegtay inay baaritaanka ku ogaatay faragelin lagu sameeyay hannaanka casriga ee maareynta macluumaadka gaadiidka ee (TIMS).
Eedeysanayaasha la xiray ayaa lagu magacaaba Anthony Waithaka, David Migwi iyo David Kimaren.
Laanta dambi baarista dalka ayaa intaasi ku dartay in khiyaanadan ay sidoo kale qayb ka yihiin saraakiil ka tirsan maamulka canshuuraha dalka ee (KRA).
Waxyaabaha baaritaanka ka dib soo baxay waxaa ka mid ah in qaar ka mid ah saraakiisha maamulka NTSA ay adeegsanayeen akoono gaar oo si sharci darro ah loogu diiwaangelinaya baabuurta.
Tusaale waxaa bilihii Saddexaad iyo Afaraad ee sanadkan hannaanka diiwaanka ee baabuurta dalka lagu kordhiyay 54 gawaari iyadoo aan la marin habraaca habboon.
DCI ayaa eedeysanaha ugu muhiimsan ee la qabtay magaciisa ku sheegtay Jimmy Kibet Wayans oo laga xiray guri ku yaalla xaafadda Lavington ee magaalada Nairobi.
Tuhmanayaasha kale ee la xiray ayaa kala ah Boniface Njoroge oo u shaqeeya KRA iyo Denis Wafula, Anthony Kariuki ,Marvin Renisi, Julius Kiprop, Amos Muthaki iyo Caleb.
Dhawaan ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo waddooyinka ee dalka Kipchumba Murkomen uu tagay xarunta dhexe ee maamulka NTSA isagoo kenyaanka u ballanqaaday inuu xallin doono khaladaad iyo gaabad shaqo oo halkaasi ka jira.