11 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay waddada weyn ee u dhexeysa Kisumu iyo Nairobi

0
235

Waxaa la xaqiijiyay in 11 qof ay ku dhinteen shil ka dhacay waddada weyn u dhexeysa magaalooyinka Kisumu iyo Nairobi.
Tani ayaa timid ka dib markii bas uu ku dhacay mid ka mid ah gawaarida xamuulka qaada.
Shilka ayaa laga soo tabiyay deegaanka hoose Othoo ee deegaan baarlamaaneedka Nyando ee ismaamulka Kisumu.
Madaxa ciidamada taraafikada ee gobolka Nyanza Allan Mwangi oo xaqiijiyay dhacdadan ayaa sheegay in 53 qof ay shilkan ku dhaawacmeen kuwaas oo la geeyay isbitaalka Jaramogi Oginga Odinga ee Kisumu si halkaasi loogu daaweeyo.
Mwangi ayaa intaasi ku daray in baska oo ku sii jeeday magaalada Nairobi uu isku dayay inuu gaariga xamuulka ka hor maro.
Dadka dhintay ayaa isugu jiray labo dumar ah, 8 rag ah iyo ilmo yar.
Booliiska ayaa gaadiidleyda ugu baaqaya inay taxaddar dheeraad ah muujiyaan si looga hor tago shilalka waddooyinka.
Tan iyo dabayaaqadii sanadkii hore waxaa gudaha wadanka ku soo badanayay dhacdooyinka shilalka.
Macluumaadka dowladda ayaa muujinaya in sanad kasta ay gudaha wadanka shilal ugu dhintaan ilaa 3,500 oo qof.