Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay in daadad iyo dhul go’o isbuucan saameeyay dalka Nepal ee koonfurta qaaradda Aasiya ay ku dhinteen 11 ruux.
Waxaa shakhsiyaadkan ka mid ah muwaadin u dhashay India iyo labo Shiinees ah oo gacanta ku hayay mashruuc horumarineed.
Saraakiisha samata bixinta ee Nepal ayaa maanta sheegay in weli 25 qof oo dheeraad ah la la’yahay.
Dhibaatadan ayaa timid ka dib roobab culus oo wadankaasi ka da’ay.