Waxaa la xaqiijiyay in 11 ka mid ah ciidamada difaaca dalka ee KDF-ta ay ku dhaawacmeen shil laga soo tabiyay buundada Nyongores ee ku taalla waddada wayn ee u dhexeysa ismaamullada Bomet iyo Narok.
Dhaawaca saraakiisha ayaa lagu daaweynaya isbitaalka Tenwek ee Bomet.
Taliyaha booliiska ee bartamaha Bomet ,Musa Imamai Cumar ayaa sheegay in shilka uu dhacay xilli baabuur wayn oo siday ciidamada uu waddada ka baxay ka dibna uu god ku dhacay.
Darawalka gaariga ayaa xilligaasi isku dayayey inuunan jiirin qof shacab ah oo waddada gooynayay.
Ka dib markii uu shilka dhacay, waxaa waddadaasi saameeyay ciriiri dhanka isku socodka gaadiidka ah oo ay markii dambe xalliyeen saraakiisha waaxda taraafikada.
Baabuurka shilka galay ayaa loo jiiday saldhigga booliiska ee Bomet si baaritaano dheeraad ah loo sameeyo.
Ciidamada shilka ku dhaawacmay ayaa ka yimid Bomet waxayna ku wajahnaayeen ismaamulka Narok.




