Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay 11 ka mid ah ardayda dugsiga sare ee Naivasha ee ismaamulka Nakuru.
Waxaa lala xiriirinayaa dhacdo dab lagu qabadsiiyay labo ka mid ah qaybaha jiifka ee dugsigaasi.
Dhacdadan ayaa la soo tabiyay Axaddii waxayna tuhmanayaasha hadda ku jiraan gacanta booliska iyagoo baaritaano lagu sameynaya.
Sarkaal sare oo ka tirsan booliska Nakuru ayaa sheegay in ardayda la qabtay ay dhamaan muhiim u yihiin baaritaannada.
Agaasimaha waxbarashada ee Naivasha Bernard Chirchir, ayaa laga soo xigtay in ardaydii ku hooyanayay goobaha la gubay loo wareejiyay qaybo kale oo dugsigaasi ka mid ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in tan iyo sanadkii hore gudaha wadanka in dab lagu qabadsiiyay in ka badan 35 dugsi.