105 Rwandan ah oo laga soo badbaadiyay tahriibinta dadka

0
359

Ugu yaraan 105 qof oo dhalasha ahaan ka soo jeedo Rwanda ayaa laga soo badbaadiyay tahriibinta dadka laga soo bilaabo bishii June ee 2024-kii ilaa May ee sanadkan.
Waxaa arrintan Isniintii ka dhawaajiyay mas’uuliyiinta dalkaas.
Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Kigali ee caasimadda dalka Rwanda, Thierry Murangira, afhayeenka hay’adda dambi-baarista ee Rwanda, ayaa sheegay in dhibanayaasha intooda badan loo tahriibiyay dalal kala duwan.
Isla markaana, 57 qof ayaa la qabtay ka hor inta aan dalka laga dhoofin.
Murangira ayaa waxaa uu sheegay in dadka wax tahriibiya ay la shaqeeyaan wakiilada isticmaalaya interneedka si ay u soo jiitaan dhibanayaashooda iyaga oo u samaynaya balanqaadyo been abuur ah oo ah shaqooyin faa’iido leh iyo deeqo waxbarasho.
Waxaa uu xusay in dhibanayaasha lagu sameyn karo shaqo qasab ah, oo ay ku jirto shaqo galmada ganacsiga ah.
Bishii May ee sanadkan, afhayeenka dowladda Rwanda, Yolande Makolo, ayaa sheegtay in 10 qof laga soo badbaadiyay dalka Myanmar oo dib loogu soo celiyay Rwanda iyada oo la kaashanayo Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka.