100,000 oo qof oo la rumeysan yahay inay ka barakaceen dalka Ukraine

0
691

Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in dad lagu qiyaasay 100,000 oo u dhashay dalka Ukraine, ay ka qaxeen guryahoodii, iyadoo dhowr kun ay u gudbeen dalalka deriska ah, gaar ahaan Romania iyo Moldova.