Isku duwaha ammaanka ee dowladda dhexe ku matalo gobolka Rift Valley Dr .Cabdi Xassan ayaa sheegay in 10,000 oo qof ay berri ka qayb geli doonaan munaasabadda ugu wayn ee lagu xusaya maalinta qaran ee halyeeyada ee Mashujaa Day.
Maalinkan ayaa sanad kasta loo dabbaal degaa 20-ka bisha Tobnaad.
Waxaa dabbaal degga ugu wayn lagu qaban doonaa fagaaraha Kericho Green Stadium ee ismaamulka Kericho.
Hal ku dhigga xuskan ee sanadkan ayaa ah barnaamijka caafimaadka guud ee UHC oo lagu wado inuu berri si rasmi ah u daahfuro madaxweynaha dalka William Ruto.