DHEGEYSO:10 sarkaal oo la xiray kadib toogasho loo geestay qof rayid ah magaalada Nakuru

0
407

Toban askari oo booliis ah ayaa loo xiray fal dil ah oo qof rayid ah loogu geystay xaafadda London ee magaalada Nakuru.
Dhacdadan oo daba socotay iska horimaad dhexmaray saraakiisha iyo dadka deegaanka, ayaa dhalisay caro dadweyne, waxaana arrintan ay keentay in baaritaan ay sameyso hay’adda madaxa bannaan ee kormeerka booliiska ee IPOA.
Goob joogayaal ayaa sheegay in fowdada ay bilaabatay kadib markii booliiska ay isku dayeen inay xiraan saddex dhallinyaro ah.
Qofka geeriyooday oo ay dadka deegaanka magaciisa ku sheegeen Dan, ayaa waxaa la sheegay in rasaasta ay afka ka haleeshay intii uu dagaalka socday.
Dadka deegaanka ayaa muujiyeen sida ya uga xun yihiin rabshadaha booliiska ee soo noqnoqday.
Taliyaha booliiska ismaamulka Nakuru Michael Mwaura ayaa xaqiijiyay in saraakiishii ku lugta laheyd xabsiga la dhigay inta ay baaritaanada ka soo dhamanayaan.
Taliye Mwaura oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in aqoonsiga sarkaalka tuuray rasaasta la sameyn doono maanta oo Talaado ah. Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay in hal askari uu ku dhaawacmay shilkaas oo hadda la dhigay isbitaalka.