10 qof oo u dhashay Masar oo lagu xiray Sacuudiga

0
225

Maxkamad ku taalla boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa maanta xukun xabsi oo 18 sano ah ku ridday 10 qof oo rag ah oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Masar.
Tani ayaa timid ka dib markii dadkan lagu helay dembi ah inay isku dayeen inay qabanqaabiyaan munaasabad lagu xusuusanayo dagaalkii Carabta iyo Israa’iil dhexmaray ee sanadkii 1973-dii.
Dadkan ayaa markii ugu horreysay la qabtay bishii Tobnaad ee sanadkii 2019-kii.
Bishii 12-aad ee sanadkii 2020 ayaa la siidaayay iyagoo aan wax dacwad ah lagu soo oogin waxaana dib loo xiray bishii Toddobaad ee sanadkii hore.
Hay’adaha xuquuqul insaanka oo ay ka mid tahay midda caalamiga ee Amnesty ayaa cambaareeyay xukunka la saaray 10 qof waxayna ku tilmaameen mid meel uga dhacaya cadaaladda.