Weerar ka dhacay magaalada Buffalo ee gobolka New York ee Maraykanka ayaa waxaa ku dhintay 10 qof.
Waxaa falkaasi gaystay nin caddaan oo ay da’diisu tahay 18 sano oo hubeysnaa.
Wararka ayaa intaasi ku daraya inuu rasaas ku furay goob laga adeegto.
Laamaha ammaanka ee Maraykanka ayaa weerarkaasi ku tilmaamay xagjirnimo rabshadeysan oo salka ku haysa cunsurinnimo maadaama ay halkaasi ku badan yihiin dadka madhowga ah.
Ninka weerarka soo qaaday ayaa ugu dambeyn la xiray waxaana magaciisu lagu sheegay Payton Gendron.