10 qof oo ku dhintay shil gaari oo ka dhacay wadada weyn ee isku xirta Nairobi iyo Nakuru

0
344

Toban qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen ka dib shil gaari oo ka dhacay aagga Karai ee wadada weyn isku xirta Nairobi iyo Nakuru.
Dhacdadu waxay dhacday abbaare 1:00 subaxnimo Isniinta maanta ah ka dib , markii bas ay leedahay shirkadda Grenline ah oo ku soo wajahnaa Nairobi uu si fool ka fool ah ugu dhacay gaari taksi ah oo marayay aagga Karai.
Sagaal qof ayaa isla goobta ku dhintay, waxaana ku jiray ilmo yar.
Shan iyo soddon qof oo qaba dhaawacyo , oo ay ku jiraan shan carruur ah, ayaa lagu qaabilay isbitaalka Naivasha si xaaladooda caafimaad loola tacaalo.
Dhacdadu waxay ka dhacday meeshii uu ku dhintay Xildhibaankii hore ee Baarlamaanka Lugari Cyrus Jirongo toddobaadyo ka hor.
Rakaabkii saarnaa baska ayaa sheegay in darawalku uu hurdoonayay iyadoo xirfadihiisa wadistana ay shaki ku jirtay.