10 qof oo ku dhintay shil gaari oo ka dhacay Homa Bay

0
208

Toban qof ayaa ku dhintay shil gaari oo naxdin leh oo ka dhacay meel u dhow xarunta ganacsiga Chabera ee Bariga Rachuonyo , ismaamulka Bay.
Tobanka qof ayaa naftooda ku waayay halka lix kalena ay ku dhaawacmeen shilkaas oo dhacay abbaare 8-dii fiidnimo ee xalay.
Shilku wuxuu dhacay markii gaari Nissan matatu ah oo ay la socdeen uu si fool ka fool ah ugu dhacay gaari xamuul ah oo ka yimid dhanka Oyugis una socday Katito.
Dadka dhintay ayaa kala ahaa lix dumar ah iyo afar rag ah, oo uu ku jiro darawalka matatu-ga.
Sida laga soo xigtay Kaaliyaha Taliyaha Saldhigga Deegaanka Kodumo East Dennis Abong’o, shilku wuxuu dhacay ka dib markii darawalkii gaariga xamuulka qaada uu lumiyay xakamaynta oo uu ku dhacay gaariga