Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay 10 qof oo lala xiriirinaya isku dhacyadii laga soo tabiyay magaalada Sondu ee xadka ismaamullada Kericho iyo Kisumu.
Waxaa falalkaasi ku dhintay ilaa toddobo qof .
Kindiki ayaa sheegay in ciidamo gaar ah oo ay ka mid yihiin kuwa qaabilsan la tacaalidda shaqaaqooyinka in aaggaasi la geeyay si ay xaaladda u dejiyaan.
Waxaa uu dhanka kale wacad ku maray in tallaabo sharciyeed oo adag laga qaadi doono shakhsiyaadka ka dambeeyay rabshadaha ay saameynta ka dhalatay.
Wasiirka ayaa nasiib darro ku tilmaamay inay dad ku nafwaayeen isku dhacyada isagoo intaasi ku daray in ciidamada ammaanka lagu amray inay xaqiijiyaan in dagaallada aynan soo laba kacleyn.
Sidoo kale waxaa uu xusay in wasaaradiisa ay kaashan doonto wasaaradda arrimaha dhulalka si loo xalliyo murannada dhuleed ee u dhexeya beelaha dagaallamay.