1.5 milyan oo qof oo ku nool Gaza oo u baahan gargaar degdeg ah

0
225

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan 1.5 milyan oo qof oo ku nool Gaza ay u baahan yihiin “gargaar degdeg ah”, iyadoo Falastiiniyiinta ku soo laabanaya guryahooda ay sheegayaan inay halgan ugu jiraan sidii ay u heli lahayeen cunto iyo biyo.
Dhinaca kale Xamaas ayaa sheegtay in lagu heshiiyay in guddi madax-bannaan oo ka kooban farsamo-yaqaanno ay maamulaan Gaza dagaalka ka dib.