Madaxweynaha dalka oo ku baaqay in la iska kaashado la tacaalidda isbeddelka cimillada

0
430

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dowladda Kenya ay ka go’an tahay dhaqangelinta qorshayaasha iyo barnaamijyada ku aaddan wax ka qabashada saameynta la xiriirta isbeddellada cimillada.
Waxaa uu soo jeediyay in wadamada kala duwan ee dunida laga doonayo inay iska kaashadaan xal u helidda caqabaddan si la mid ah cudurka COVID-19.
Mr. Kenyatta ayaa xusay in Kenya ay muujinayso sida ay diyaar ugu tahay u istaagidda arrinkan balse aynan keligeed guulaysan karin.
Hadalkan ayuu jeediyay xilli uu galinkii dambe ee shalay ka qayb galay kulan muuqaal ah.
Waxaa sidoo kale shirkaas ka qayb galay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson dhigiisa India Narendra Modi , xoghayaha guud ee qaramada midoobay António Guterres iyo Ban Ki-Moon oo xilkan kaga horreeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here